Mareykanka oo shaaca ka qaaday halis kusoo wajahan garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan halis ka dhan ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo soo fool leh.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Sababo la xiriira akhbaar ku saabsan halis ka dhan ah shaqaalaha Mareykanka ee garoonka Muqdisho, howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu ku amrayaa dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee aan shaqaalaha muhiimka ahayn inay deg deg uga baxaan Muqdisho, illaa amar dambe”

Dowladda Mareykanka ma aysan sheegin waxa ay tahay halista kusoo wajahan garoonka Muqdisho ee ka dhanka ah ah shaqaalaheeda.

Dowladda Mareykanka waxa kale oo ay shaaca ka qaadday inay uga digeyso dhammaan muwaadiniinteeda inay sidoo kale waqtigan u safraan dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxay sheegtay in xaaladda amni ee Soomaaliya ee waqtigan ay tahay mid aan deganeyn, islamarkaana halista ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya ay tahay mid dhab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com