CC Shakuurow badda maxaad ku darsan rabtaa?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si rasmi ah u bilaabay inuu dhaqangeliyo ololahii ay dowladda Imaaraadka Carabta usoo wakiilatay ee ahaa in la qalqal geliyo dowladda Soomaaliya isla markaasna meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u aragtay inuu yahay Shakhsiga mudan inuu hoggaamiyo ololahaan, maadaama uu horey u iibsaday Badda Soomaaliya oo uusan u daahi doonin duminta dowlanimada Soomaaliya.

Haddaba waxaa is waydiin mudan waa Kuwa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maxaa iska badalay, muxuuse ka xujin doonaa Iibka Badda Soomaaliyeed?

Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur??

C/raxmaan C/shakuur,  wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay Wasaaraddii uu ka hayay Xukuumaddii kowaad ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee ahayd, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Heshiiskii Qarsoonaa.

Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Kenya lagula galay iibsiga Dhul-badeedka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ku lahaa C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid, C/raxmaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Dawlada Kenya ka qaateen lacag gaaraysa 50 Milyan oo Dollar, Mas’uuliyiinta iyo Dawlada Kenya waxaa u dhexeeyey oo Dalaal U ahaa Shirkado Shisheeye, lacagtii laga qaatay Kenya ee looga iibsaday Badda Soomaaliya ragii qaatay kuma heshiin ee waa ay sii kala dhaceen.

Lacagta xoogeedii waxaa dhacay dalaaliintii, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ee loo haysto Iibinta Badda Soomaaliya waxaa soo raacay Mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Prof. Maxamed Gaandi.

Hadaba Dowlada Kenya waxaa ay daba joogta dhaqaalihii uga baxay  iibsiga Badda Soomaaliya, waxaana ay hada wadaa dhaqaale kale oo ay ku doonayso inay ku meel mariso go’aankeedi ahaa inay lawareegto dhul-badeed balaaran oo ay Soomaali leedahay.

 Cabdiraxmaan Cabdishakuurka cusub waa kuma?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli isma badalin, Baddii uu iibiyeyna ilaa hadda dowladdii uu lacagta ka qaatay waa siin la’yahay kadib markii ay kusoo baxeyn Soomaalida oo dhan isla markaasna la ogaaday qorshaha uu watay iyo lacagaha xaaraanta ah ee uu ku qaatay iibsashada Badda Soomaaliya.

Hadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu wadaa olole xooggan oo ay maalgelinteeda leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

Ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur wado waxaa qeyb weyn ka ah Siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan: Sheekh Shariif, Cumar Cabdirashiid, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa doonayo inuu mar kale kasoo muuqdo Siyaasadda Soomaaliya si uu ugu adeeggo danaha dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu ku fashilmay iibinta Badda Soomaaliya, waxaase is waydiin mudan waxa  Cabdiraxmaan Cabdishakuur u xigi doono iibinta Badda Soomaaliyeed?

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com