Jaceylkii dhalay in xabad la isaga dhuftay xubinta taranka (Qiso ka dhacay Boosaaso)

Bosaaso (Caasimadda Online) – Dunidda maalmaha kaaga haray wax walba waad maqli doontaa , Faa’iso Cabdi waa 16 jir wax ka baran jirtay Garoowe, waxey Facebook iska barateen nin la yiraahdo Cabdiqaadir Warsame, ma hubo inuu u sheegay xirfadiisa laakiin hada waalidkeed waxey shegeen inuu yahay askari ka tirsan ciidanka Puntland, xirfadu marna ma hor istaagto rabitaanka lamaanaha.

Lamaanahan ayaa xiriir jaceyl mudo wadaagayay waxaana ay ugu dambeyn Faa’iso ku qanacday iney u safarto Boosaaso oo saaxibkeed uu dagan yahay, markii ay tagtay gaari uu watay ayuu ku qaaday , gabadha Aabaheed oo wariyaasha maanta kula hadlay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho wuxuu sheegay inuu ninku 2 jeer damcay inuu si sharci daro ah ugu galmooday gabadha balse ay diiday, markii sadexaad arintu baryo waa ka tagtay ,dharka ayuu ka jeex jeexay balse wali waa sii dagaalantay iyadoo aan dhar wadan si ay xubinteeda u xajisato waxaase xigay xabado uga dhacay xubinta taranka iyo hareeraheeda, hadda si toos uma kaadin karto sidoo kale dhinac ayey ka saxarooneysa sida uu aabaheed sheegay.

Faa’iiso waxey aheyd mid hami jaceyl ka muuqdo mar hadii ay 750km u jartay iney lasoo kulanto ninkii ay jecleyd, nasiib daro farxadii ay raadineysay ficilkii ka dhashay farjigeedii ayaa ku naafoobay, Puntland wali war kama soo saarin arintaan lamana qaban ninkii falkaan geystay.

Jaceylka daneysiga ku dhisan ayaa kusii xoogeysanaya dunida marka aad aqriso sheekooyinka lagu qoray jaraa’idka aduunka, inta badan ragga aya wata aragtiyo ka baxsan xiriirka jaceylka, laakiin waxaa cajiib ah in hadii dhinac ka mid ah labadda qof uu diidmo muujiyo in dhib intaas la eg la gaarsiiyo qofkii wax diiday, dhacdada Faa’iso looga beegsaday xubinta taranka waa arin ku cusub bulshadda Soomaalidda.

Allaha caafiyo Faa’iso oo u baahan in la garab istaago.

Waxaa Qoray:

Abdullahi Osman Farah

 Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com