Xildhibaannada BF oo maanta ka doodaaya qodob muhiimad gaara u leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka.

Guddoonka sare ee baarlamaanka ayaa la xaqiijiyay in Xildhibaanada baarlamaanka ay u direen fariimo looga dalbanaayo inay kusoo xaadiraan kulanka maanta.

Kulanka Xildhibaanada ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tirakoobka Qaranka, waxaana kulanka xaadiri doona dhammaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahmiyad gaara u leeyahay, bacdamaa qodobka maanta uu yahay mid ka dib dhacay xiligiisa.

Geesta kale, Sharciyo dhowr ah oo ka doodis u baahan ayaa weli horyaala baarlamaanka 10aad ee Somalia iyada oo horay ay u ansixiyeen sharciyo dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com