Sawirro: Akhriso qaar kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen baarlamaanada Somalia & Sudan

Khartoum (Caasimad Online)-Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday magaalada Khartoum.

Labada Baarlamaan ayaa waxaa u kala saxiixay Heshiiska Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Sudan.

Habdhowraha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, ayaa sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay 9 qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sagaalka qodob ee labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah:

1-In labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga.

2-In ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya Baarlamaanada aduunka.

3-In dhinaca aqoonta la iska kaashado.