Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya Duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Daacishta Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo is xigxigay.

Duqeynta oo xooganeyd ayaa la sheegay in lala beegsaday qaar kamid ah Horjoogayaasha kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Xiliga ay duqeynta dhaceysay ayaa la sheegay in Horjoogayaasha Garabka Daacish ee Soomaaliya ay ku guda jireen kulan ay uga arinsanayeen fulinta weeraro dhagar ah.

Sidoo kale, dadka deeganka ayaa sheegay inay maqlayeen qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay ilaa 3 Horjooge iyo 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Geesta kale, waxaan si dhaba loo ogeyn cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, balse Somalia iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com