Golaha amaanka oo cunqabateyn kusoo rogaya shaqsiyaad Soomaali ah (Maxaa loo haystaa?)

New York (Caasimada Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waqtiga u kordhigay muddada cunuqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, waxaana la gaarsiiyay ilaa 15-November sanadka soo socdo ee 2016.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale kordhiyay waqtiga hayada UN Monitoring Group oo la gaarsiiyay ilaa 15 December ee sanadka 2016, waxaana golaha ay ku cel celiyeen in dowladaha Eritrea ogolaado in hayada gudaha dalkaasi ka shaqeyso.

Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay iney cambaareynayaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo sharci daro ah, maadaama horay loo mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya,

Golaha amaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada sii xumaneyso ee bini’aadanimada ee dalka Soomaaliya, waxayna si adag u cambaareeyeen beegsiga dadka ka shaqeeya arimaha bini’aadanimada  Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka golaha amaanka ayaa lagu sheegay iney cambaareynayaan warbixinada la xiriira musuqa ka jira Soomaaliya iyo weecinta qeyraadka dalka iyo dhaqaalaha loogu deeqo dowlada Soomaaliya.

Golaha ayaa ugu dambeyn sheegay iney cunuqabateyn saari doonaan shaqsiyaadka kasoo horjeeda nabada iyo horumarka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska USA
Caasimada@live.com