Document: Beesha caalamka oo soo bandhigtay nooca doorasho ee 2016, kana digtay hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ururada beesha caalamka ee ka howl gala Soomaaliya ayaa soo saaray baaq aay ugu magac dareen (Dareen Caadi ah iyo Doorasho 2016) Kooxdan ayaa ka muujisay wel-wel aay ka qabaan in dagaal sokeeyo markale ka yimaado doorashada 2016 oo aay ku hirdamyaan fekrado isdiidan iyo weliba in koox waliba aay keento nooca doorasho oo aay ka dhex arkeyso danteeda.

Kooxdan ayaa ku baaqay in aay fududahay in la dhiso aqalka sare kaasoo ka koobnaan doono 54 sida uu qabo dastuurka, kaddibna aay soo doortaan xildhibaanada aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare oo tiro ahaan noqon doono 329 Mudane, iyo in muddo kordhin seddex sano ah loo sameeyo xildhibaanada aqalka hoose ee hadda jire.

Waxaa aay ku baaqeen in sidan aay tahay jidka kaliya oo aay ku dhici karto doorasho aan dhiig ku daadan. Waxaa aay tusaale u soo qaateen sidii kooxa diimeedka Damul Jadiid iyo Alla Sheekh aay ugu hardameen doorashadii gobolada dhexe, taasoo aay ku baxday lacago malaayiin dollar ah oo labada kooxba aay ka dhaceen shacabka Soomaaliyeed. Kooxda Alla Sheekh ayaa iyaga dhaqaale badan ka sameeyay afartii sano ee madaxweyne Sharif Sheekh Axmed. Kooxdan Alla Sheekh iyo dhigooda Damul Jadiid ayaa ganacta ku hayo 75% dhaqaalaha iyo ganacsiga waddanka.

Halka Ka Aqriso Warbixinta talo soo jeedinta ee qaar ka mid ah ururada Beesha Caalamka aay ka soo saareen Nairobi

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/10/Somalia-2016-Election-Non-Paper.pdf”]