Xog ku saabsan awooda qas-wadayaasha ku jira BF & damacooda siyaasadeed (Qorshe halis ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Kormeerka Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee magacooda loo yaqaan “The Monitoring Group on Somalia and Eritrea” ayaa wali walaac gaar ah ka muujineyso awoodaha daahsoon ee Xildhibaanada BF Somalia.

Guddigu waxa uu sheegay inay heysato walaac gaar ah oo muujinaaya in Kooxaha qas-wadayaasha ku bahoobay BF Somalia ku yeelan karaan horu socodka Somalia, Nabada iyo in Somalia ay ka talaabto burburka iyo qaska una talaabto dhanka Horumarka soo bidhaamaya.

Guddigu waxa ay wali qabaan in Xubnaha ka tirsan BF Somalia ee u kala jabay 2 garab ay caqabad hor leh u noqon karaan hanaanka dib-u-heshiineed iyo in Somalia ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Guddigu waxa uu carab dhabay in Howlihii Qaranka loo weeciyay is xulafeysi, Laaluush iyo in danta guud laga hormariyo tan gaarka ah.

Dhaliisha ugu badan ayay dusha ka saaren Xildhibaanada BF oo iyagu aaminsan in dhaqaale laga abuuro Mooshinada iyo ololinta guuxa Siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxtooyada Somalia, taasi oo ay u aqoonsadeen mid caqabad ku ah Hanaanka horumarineed ee Somalia.

Warbixinta Guddiga QM waxaa si aad ah looga muujiyey Walaaca ay ka qabaan Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo kuwa Goballadda ee faraha kula jira Carqaladaynta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Warbixinta waxaa si guud loogu muujiyey inay Shabakado qas-wadayaal ka jiraan Somalia Spoilers Networks in Somalia iyo inay Xildhibaanadda Barlamaanka u kala qeybsan yihiin Labo Kooxood oo kala ah Dam Jadiid oo taabacsan Madaxweynaha iyo Kooxda Alla-sheekh ee Mucaaradka ah.

The Monitoring Group on Somalia and Eritrea waxa ay sheegtay in Ujeedka BF iyo maslaxada loo sameeyay ay kusoo biyo shubatay in codkooda iibsadaan “Vote for Cash”.

Dhanka kale, Warbixintaani oo dhinacyo badan taabaneysa oo aan suuragali Karin in mar qura lawada daabaco ayaa u muuqaal eg mid si dadban loogu difaacayo kaliya Madaxtooyada Somalia si ay u hirgasho doorashada shakiga badan ka taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com