Xog: ODAWAA oo ku fashilmay mar-marsiiyo uu u sameeyay calanka cusub ee muranka dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo asbuucii tagay madasha shirka wadatashiga doorashooyinka 2016-ka lagu soo bandhigay Calan cusub oo u muuqaal eg calanka rasmiga ah ee Somalia, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Wasiirka ayaa sheegay in Calanka Somalia uu yahay kan Buluuga ee dhexda kaga taal xidigta, waxa uuna beeniyay fasiraada laga bixiyay qaabka iyo midabka uu wato kan muranka badan dhaliyay.

Waxa uu sheegay in Calankaasi meesha ka muuqday uu ahaa kaliya calaamad ama waxa uu ugu yeeray (Logo) ka tarjumeysay shirka oo aysan ahayn calanka Soomaaliyeed saxda ah.

“Dabcan waan la socnaa in muran uu ka taagan yahay muuqaalkii kasoo dhexmuuqday shirka wadatashiga, waxaan xaqiijinayaa in Calanka Soomaaliyeed uu yahay mid la yaqaan waxaan u dabaaldegnay 12kii Oktoobar in aan 20-ka oktoobarna aan calan kale keensano waa wax aan suurtogal ahayn oo qalad ah.”

Waxa uu sheegay in aragti ahaan ay kasoo horjeedan dadka Calanka saarta miisaska amaba dharka ka toshta, islamarkaana aysan Dowladu ka suuroobin inay bedel ku sameyso Calanka amaba astaanta Qaranka Somalia lagu aqoonsan lahaa.

“Dadku waxan u sheegayaa in Calanka Somalia uu yahay kan uu Madaxweynaha Somalia shirka goobtii uu fadhiyay ka babanayay ee ma ahan kan albaabka yiilay ee ahaa loogada shirka oo kaliya.”

Afar maalin ka hor inta uusan qabsoomin shirka wadatashiga ayaa waxa ay warbaahintu qortay warar sheegaya in DF Somalia ay bedeleyso Calanka Somalia, waxaana xigay Calan cusub oo maalmo un kadib kasoo dhexmuuqday Madasha kaasi oo abuuray dareen gaar ah.

Haddalka Wasiirka ayaa imaanaya xili baraha bulshada ku wada xiriirto lasoo bandhigay Calanka Cusub ee madasha kasoo bidhaamay, waana tan keentay in Dowladu ay ka jawaab bixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com