Xog: Arrin ku soo korartay kiiska muranka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa u gudbisay QM cadaymo la xariira muranka xuduud badeedka ee kala dhexeeya Somalia.

Dowlada Kenya ayaa ku taameysa in murankani lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed, sababo la xiriira Dukumiintiyada laga doonaayo oo ah qabyo.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa qoray in Dacwadaasi uu Maxkamada ICJ u gudbiyay Mr Githu Muigai oo ah xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya.

Wargeysku waxa uu qoray in Xogta iyo Macluumaadka uu gudbiyay Xeer-ilaaliyaha ay yihiin kuwo la ururiyay todobadii sano ee lasoo dhaafay.

Nuqul kamid ah qoraalka uu soo qaatay Wargeyska ayaa u qornaa “Maxkamadda ICJ waxaan u gudbinay xogta rasmiga ah ee la xiriirta xuduudda badda Somalia kala dhexeysa Kenya si loo cadeeyo xuduuda,”

Mar uu ka hadlay xogta ay DF Somalia u gudbisay Maxkamada ayuu yiri ‘’ “Dacwaddii ay maxkamadda ICJ u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha guud ee Somalia iyo wafdigii uu hoggaaminayay waxay ahayd mid aan fadhin. Cadeymaha dacwada ay gudbiyeena waa mid ay labada madaxweyne ee Somalia iyo Kenya kawada hadleen sanadkii 2014-kii. Dacwadda ay dowladda Somalia gudbisayna waa mid ka hor-imaaneysa heshiiskaas,”

Rabitaanka Dowlada Kenya ayaa ah in xadka badda uu ahaado sida ay ayada u dooneyso oo ah in calaamadda xadka loo weeciyo dhinaca Somalia, halka Somalia ay ku doodeyso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Dhanka kale, Dowlada Kenya wali kuma qanacsana in Dacwadeeda ay horgeyso Maxkamada, balse waxa ay ku qasbanaaneysaa inay gudbiso, iyada oo nasiibkeedu yahay Fashil ama helida qeybaha ay sheeganeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com