24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Golaha amaanka oo go’aan ku gaaray Somalia…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa muddo kordhin ku sameeyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia UNSOM, iyadoo muddada uu shaqeynayo la gaarsiiyay ilaa 31-ka Maarso, 2017-ka oo ah sannadka soo socda.

Qaraarkaani ayaa waxaa si wada jir ah u meel-mariyay Xubnaha 15-ka ah ee Golaha Amaanka, kadib markii ay walaac gaar ah ka muujiyeen soo dhawaanshiyaha wakhtiga doorasho ee Somalia.

Qaraarkaani ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in sababta ugu weyn ay tahay in kala go aysan ku imaan howsha shaqo ee Xafiiska UNSOM ee Somalia xiliga doorahso ee fooda nagu soo heyso.

Qaraarka waxaa sidoo kale, lagu sheegay in mudada lagu kordhiyay shaqada ay kusoo aadi doonto xili marxalad cusub uu gali doono dalka Somalia, taasi oo u sabab ah in nidaamkaani la maro.

Dhanka kale, waxa uu Qaraarkaani imaanayaa xili Bishii hore Kaaliyaha xoghayaha guud u qaabilsan dhinaca Siyaasada Jeffrey Feltman iyo Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating ay si wada jir ah ula kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha BFS oo ay kala hadlen arinta doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News