Golaha ammaanka ee QM oo digniin horleh kasoo saaray colaadda gobolka TIGRAY

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Tigray iyo dagaallada kasoo cusboonaaday ayaa digniin culus kasoo saaray in colaad horleh ay ka dhacdo halkaasi.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii horey uga dhacay waqooyiga Itoobiya ay sababeen macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii illaa 400,000 oo qof.

Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl oo kulanka ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay suuragal tahay in colaad hor leh iyo dagaallo culus ay ka dhacaan gobolka Tigray oo ay isku hayaan ciidanka dowladda Itoobiya & TPLF.

“Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” .

Ugu dambeyn waxay baaq yu diratay dhinacyada ay dirirta u dhexeyso, iyada oo ka codsatay inay gacan ka geystaan baaritaanada haatan socda, si la’iskula xisaabtamo xad-gudubyadii iyo sidoo kale dhibaatooyinkii kala duwanaa ee horey uga dhacay halkaasi.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay DiCarlo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo ka hirgaleysa gobolka Tigray ee dalkaasi.