Rooble oo war kasoo saaray qaraxa iyo Al-Shabaab oo sheegtay cida ay la beegsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa warar kala duwan ka soo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa aad loogu cambaareeyey qaraxaas, “Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada,” ayuu yiri Rooble.

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegteen, islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, halka dhaawacyada ka dhashana ay ku sheegeen inay 20 kale kor u dhaafayaan.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ka kala tirsan booliska iyo sirdoonka Qaranka, sida ay ku sheegeen warkan ka soo baxay.

Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegeen Caasimada Online, sidoo kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, waxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirrada qaar kamid ah askartii ku geeriyootay qaraxaas.

Laamaha ammaanka ayaan weli shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, balse saraakiil aan la xariirnay waxay noo sheegeen inay wadaan baaris ku aadan qaraxa ka dhacay maqaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan warbaahinta.