27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xiisadda siyaadeed ee Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu bishan Abriil yeesho kulan gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa lagu wadaa in James Swan, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa hawlgalka ku-meel-gaarka ah ee UN-ka (UNTMIS) uu warbixin dhameystiran ka jeediyo.

Midowga Afrika ayaa isna la filayaa inuu Golaha Ammaanka horgeeyo warbixin la xiriirta horumarka laga gaaray hawlgalka AUSSOM oo loogu talagalay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Warbixintaasi ayaa la rajeynayaa inay iftiimiso sida ay ciidamada Midowga Afrika uga qeyb qaadanayaan amniga dalka.

Golaha Ammaanka ayaa wali isku raacsan muhiimadda ay leedahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-eegista dastuurka iyo dhismaha nidaamka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku saabsan xiisadaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyo xitaa siyaasiyiinta mucaaradka oo si weyn isku hayaan hoggaanka dalka.

Khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta maamul goboleedyada ayaa loo arkaa inay caqabad ku yihiin dadaallada dowlad-dhiska. Waxaa kaloo jira cabsi ah in xaaladdaasi ay fursad u noqoto Al-Shabaab si ay u ballaariyaan saameyntooda gudaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaan gobollo badan oo dalka ka tirsan. Weerarradaasi ayaa si gaar ah u saameeyay dadaallada xasilinta, iyadoo weerarro culus laga diiwaan-geliyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa xitaa isku dayday inay beegsato madax sare oo dowladda ka tirsan, waxaana weerarro lala beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

Dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan kuwa deriska ah iyo kuwa saaxiibka dhow, ayaa door muuqda ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamada Cirka Itoobiya ayaa howl-galkaas qayb weyn ka qaatay, iyadoo ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa kordhisay weerarrada cirka ee ay ku beegsanayso kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay, Mareykanka wuxuu sare u qaaday weeraradaasi, isagoo bartilmaameedsanaya kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh ururka Daacish.

Isku soo wada duuboo, kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa noqon doona mid muhiim ah oo lagu go’aaminayo halka ay u jihaysan tahay taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya. Dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka hoggaanka dalka, iyo xasilinta guud ayaa ah qodobbada ugu muhiimsan ee laga sugayo kulankaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News