Golaha Ammaanka QM oo go’aan cusub kasoo saaray howlgalka ATMIS ee Somalia

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta soo saaray go’aan cusub oo ku socda howlgalka ATMIS ee ka socda gudaha Soomaaliya, kadib shir ku yeesheen magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankoodii hore ee ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka June 2023-ka, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii qaraar tirsigiisu yahay 2670 (2022) si wadajir ah loogu ansixiyay dib u dhigista dhimista ciidamada ATMIS ee haatan jooga Soomaaliya, taasi beddalkeena waxay soo jeediyeen la qaado hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ciidamada ku jira ATMIS illaa 31ka December 2024.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub & dalalka ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dowladda federaalka  ka codsaday inay bixiso warbixin dheeri ah 30-ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah.

ATMIS ayaa sidoo kale waxaa lagu booriyay doorkeeda ku aadan nabad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Golaha Ammaanka ee QM ayaa howlgalka Midowga Afrika oo la oran jiray AMISOM u beddashay ATMIS bishii April ee 2022-kii, si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Afrika, loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan wadamada ka baxsan Qaaradda.