Dagaal xoogan oo saaka ka qarxay magaalada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka qarxay gudaha magaalada, kaasi oo u dhaxeeya ciidan ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Dhawaaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha magaalada Baydhaba, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed.

Ciidamada Badbaadada maamulka ayaa la sheegaya in uu watay mid kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen, gaar ahaan wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.

Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho dhalisay dhimasho, dhaawac iyo mudaharaadyo, taas oo 4 sanno kahor lagu soo doortay madaxweynaha hadda tallada haya ee Laftagareen, waxaana markale laga digayaa in qalalaase ay ka dhacaan maamulkaasi.