Al-Shabaab oo shaacisay heshiis ay sheegtay inay la saxiixatay beesha Saleebaan

Cadaado (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay heshiis la gashay Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee Gobollada Dhexe, ka na mida beelaha dagaalka culus kula jiray muddo sanado ah.

Heshiiskan oo aan weli laga xaqiijin siyaasiyiinta iyo odayasha beeshan ee taageersan dowladda federaalka ayaa dhigaya inay beesha dagaalyahannadeeda kala baxdo ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo qoddobo kale.

Al-Shabaab ayaa sida warqadda heshiiska lagu sheegay waxay beesha ku wareejin doontaa maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, waxayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay.

Heshiiskan ayaa waxaa ku saxiixan 14 nabaddoon oo ka tirsan beesha Saleebaan iyo labada guddoomiye gobol ee Al-Shabaab u qaabilsan gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna soo baxay xilli in muddo ah aan wax dagaal ahi ka dhicin deegaanda ay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Hoos ka aqriso qodobada heshiiska ay soo bandhigtay Al-Shabaab

بسم الله الرحمن الرحيم

Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022)

Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:

Qodabada heshiiska:

1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.

2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.

3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.

4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.

5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.

6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.

7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.

8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.

Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:

Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan arrimaha soo socda;-

1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.

2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.

3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.

4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.

5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.

6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin

7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.

FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .

Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan:
1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)
2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-
3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali
4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax
5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye
6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan
7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley)
8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale
9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed
10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud
11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble
12- Nabadoon Ciise Cali Aadan
13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed
14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan

Saxiixa Wakiillada Xarakada:

1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)
2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)

وبالله التوفيق