Golaha ammaanka QM oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka.

Golaha ayaa marka hore ka digay in ay markale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo asteeyey oo aheyd 8-dii Febraayo.

Sidoo kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay heshiis ka gaaran muranka ka jira doorashada 2021-ka.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa sidoo kale xoojiyey muhiimada uu leeyahay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Dhinaca kale golaha ayaa ugu dambeyun meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howl-galkaMidowga Afrika ee AMISOM oo la gaarsiiyey, illaa bisha December.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli wajaheyso xaalad hubanti la’aan oo ka dhalatay is marin-waaga ka taagan doorashada 2021-, taas oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xilli uu dhammaaday muddada xil-heynta ee madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.