Waddooyika Muqdisho oo la xiray iyo gadiid dagaal iyo ciidamo lagu arkayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay laga celinayo qaar kamid ah jidadka.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Warshadaha, Soddonka & isgoysyo kale oo muhiim u ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diidaya marinka waddooyinkaasi, iyadan oo illaa iyo adda aysan ka hadlin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa sidoo kale saaka maalaya Cagahooda, maadaama ay Sabti tahay, si ay u gaaraan goobahooda shaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay, si loo xoojiyo ammaanka caasimada oo uu ka dhacayo shirka dowladda & dowlad goboleedyada.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale loo xiray waddooyinka Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cali Mahdi Maxamed.