Turkiga oo war cusub kasoo saaray khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo saaxib la’ah Soomaaliya ayaa markale ka hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashooyinka 2021-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo u warramay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay xal rasmi ah ka gaaraan muranka hareeyey doorashada.

Mevlut Cavusoglu ayaa xusay inay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada, si loo dhiso dowlad cusub hore usii wada Soomaaliya.

“Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Maalmaha soo socda waxaa inoo qorsheysan socdaal aan ku tageyno Soomaaliya si aan u xoojino taageeradeena waana ku dhaqaaqeynaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana hadalkan uu kusoo aadayaa, xilli weli la’isku hayo hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.