Golaha ammaanka QM oo yeelanaya kulan muhiim ah oo GO’AAN culus looga qaadanayo Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan.

Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh.

Qaraarkan, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo.

Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Soomaaliya siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran.

Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska New York
Caasimada@live.com