24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Golaha Banaadir Society oo War-Saxaafadeed ka soo saaray London

Bookmark
Bookmarked

Share

ARIMAHA FEDERALKA SIDA AY DOWLADA SOOMAALIYA U WADO.

Banaadir Society waa urur ka fikir dhiiba arimaha siyaasada, waxuuna hormuud ka yahay horumarimnta aragti siyaasadeed ee ku haboon Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Ururka waxuu horumarinayaa;
• Cadaalad iyo sinaan
• Iskaashi, wax wada qabsi iyo adeega guud ee shacabka loo fidiyo
• Masuuliyad qaadasho, dimoqoraadiyad firfircoon, dulqaad, wada tashi iyo wada shaqeyn sharciga waafaqsan
• Muwaadiniin firfircoon, ilaalinta xaquuqda aadanaha iyo tan shaqsiyeedba
• Horumarin la joogteyn karo
• Wadashaqeynta xiriirada caalamiga ah

Banaadir Society waxay dhaliishan tahay qaabka ay beryahaan Dowlada Federaalka Soomaaliya u waday maamul u samaynta gobolada koonfurta Soomaaliya, waxayna u aragtay ficilada dowlada ay ku dhaqaaqday kuwa cawaaqibkooda aan laga fikirin ee keeni karo Jufooyinka wada dega goboladaan madaxa isu galinkara, sidaadarteed Banaadir Society waxay xubnaheeda mudo ka tashanayeen arimaha siyaasadeed ee madaxda dowlada ay dalka geliyeen waxayna ka soo saareen go’aanada hoos ku xusan;

• In bulshooyinka degan dhulka loo yaqaan Badaadir ay ka tashadaan sidi fikir mideysan looga gaari lahaa arimahaan keeni kara dhibaato cusub oo shacabkaan aysan u adkeysan Karin
• In laga tashada gole degaaneed oo ay shacabka dhistaan oo loo wada dhan yahay, golahaasa oo kusalaysan tuulo ilaa iyo degmo ee aan ahayn odeyaal teendho laysigu keenay.
• In la abuuro jawi walaal iyo derisnimo ku dhisan ee ka dhexdhacda bulshooyinka degaanka wada dega
• In arinkasta la siiyo mudnaanteeda degaaneed, cadaalad iyo isfaham
• In cod adag looga hortago wax walba oo loo arko cadaalad daro, dulmi, mowqifka degaankana uu yahay mid ku saleysan horumarinta dalka iyo wanaaga ay leedahay midnimada muwaadiniinta si loo helo qaran aayahiisa ka tashan karo oo kasoo bilaawdo heer tuulo
• Banaadir Society waxay dacwad u gudbineysaa hey’adaha ay arintaan quseysa ee dadaalka ugu jira in lagu guuleysto geedi socodka nabada.

BANAADIR SOCIETY
[email protected]
15 November 2015

- Advertisement -

Read more

Local News