25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Qanyare oo keenay fikrad cajiib ah oo lagu kala bixin karo Xasan iyo C/WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiwali Qanyare oo la hadlay Warbaahinta maxaliga, ayaa wuxuu sheegey in khilaafka madaxda ay tahay in la geeyo maxkamadda sare, mooshinkana uu yahay mid sharci darro ah.

Waxa uu Tilmaamay in Mooshinada ay Naas-nuujinayaan Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir iyo Xubno kale oo taabacsan Madaxweynaha dalka.

Xildhibaan C/weli Qanyare waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in Khilaafka Xassan iyo C/weli ay hordhigaan Maxkamadaha Khuseeya Dastuurada, waxa uuna ku baaqay in laga gaaro Khilaafka sii baahaya.

”Waa Mooshin sharci daro ah, qof waliba wey aragtaa balse Beesha Caalamku waxan ka codsanayaa in Arrinta Khilaafka ay horgeyaan Maxkamad maadama xal loo waayay”

Xildhibaan C/Weli waxa uu walaac ka muujiyay qaabka Xassan Sheekh uu uga qeybqaadanaayo Hurinta Khilaafka, wuxuuna ka digay in Madaxweynaha uu kusii fogaado gadaal ka riixa Mooshinada laga soo abaabulaayo Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News