Golaha Wadatashiga oo dib u bilaabay wada-hadallo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib u bilaabay wada-hadalladooda, waxaana maanta oo Sabti ah ay sii amba qaadeen shirarkooda looga hadlayo xaaladda dalka, iyada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa qodobada ay dhaliisha ka keeneen xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

“Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya,” ayuu yiri Macallimuu.

Shirkan oo ay goobjoog yihiin madax goboleedyada & Duqa Muqdisho ayaa qaatay maalmo badan, ayada oo weli la’isku mari la’yahay qodobada qaar ee shirka, gaar ahaan amniga.

Rooble ayaa doonayo in war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka lagu daro in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, haddii kale aanay dhici karin doorasho hufan.

Xitaa haddii shirka sidaas isku raaco, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ogolaan doonin inuu amniga wareejiyo, balse waxaa jirta dood ah in sidaas ay beesha caalamka ku qasbi karto, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan. 

Si kastaba, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa iyaguna dhankooda weli diidan arrintan, waxayna ku doodayaan in amniga dalka uu ka baxsan yahay doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii