Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Golaha Wadatashiga iyo kulamadii xalay dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee mar kale xalay dib uga furmay hotelka Decale ee Muqdisho ayaa soo dhammaaday, ayada oo aan weli wax heshiis ah lagu gaarin.

Qoraal uu xalay soo saaray afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagu yiri “Waxa soo gabagaboobay kulankii ay caawa hotel Decale ku lahaayeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanaya doorashooyinka kaas oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.”

“Shirku wuu sii socon doonaa inshallah waxana la filayaa inuu ka soo baxo gunaanadka Warmurtiyeed rasmi ah oo quseeya arimaha doorashooyinka sida hufnaanta doorashada, waqtiyeynta iyo amniga.” 

Sida aan xogta ku helnay, waxaa weli la isku mari la’yahay arrintan amniga, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu doonayo in war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka lagu daro in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, haddii kale aanay dhici karin doorasho hufan.

Xitaa haddii shirka sidaas isku raaco, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ogolaan doonin inuu amniga wareejiyo, balse waxaa jirta dood ah in sidaas ay beesha caalamka ku qasbi karto, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan. 

Si kastaba, madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli diidan arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Shirka ayaa la filayaa in mar kale uu maanta dib u billowdo, hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ama aysan kasoo bixi bixi doonin qodobo la taaban karo, oo wax ka beddelaya xaaladda cakiran ee doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii