Ciidanka Jubaland oo xalay howlgal culus ka sameeyey magaalada KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal culus oo xalay ciidamada ammaanka Jubbaland ay ka sameeyeen qeybo ka mida magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, ayada oo ciidamadu ay tageen guryo u ahaa bartilmaameed.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland ee sameeyey howl-galkaas ayaa dhalinyarada qaar ee ay qateen weydiiyey su’aallo la xiriira amniga.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa looga hadlay baaritaanadan oo ahaa kuwa xoogan, waxaana lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga.

Warkan oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sidoo kale intaasi kusii daray  “Wararka lagu marin habaabinayo bulshada loogana been sheegayo howlgalada amni ee caawa ka socda magaalada Kismaayo waa waxbo kama jiraan aan sal iyo raad laheyn,Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga,”.

Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay ammaanka deegaanadeeda oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan dagaalyahanada kooxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay bilowdeen doorashada kuraasta Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka ka soo galaya dhanka Jubbaland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii