Muxuu MAHAD SALAAD ka yiri amarkii FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ka falceliyey wareegtada kasoo baxday Farmaajo ee lagu amray guddoomiyaha Bangiga Dhexe in uusan bixin karin lacagta horey loogala wareegay Imaaraadka Carabta, kadib markii uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shaaciyey in dib loogu celin doono.

Mahad Salaad oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba lacagtaas aan lagu qaban sifo sharci ah, taas oo ay dowladdu la wareegtay 8-dii bishii Abriil ee 2018-kii.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku sii daray in lacagta ka timid Imaaraadka Carabta ay la wareegeen ciidamada NISA, isla-markaana aan loo gudbin hay’adaha Garsoorka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Bangiga Dhexe uu toos u hoos tego hay’adda fulinta ee uu ugu sarreeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Lacagta Imaaraadka sifo sharci ah markii hore laguma soo qaban. Sidoo kale hay’adaha garsoorka looma gudbin dacwo la xariirta sharci ahaanshaha ama sharci darada soo gelitaanka lacagtaan. Waxa soo qabtay hay’adda Nabad Sugida, waxaana haya Bangiga Dhaxe, waxayna si toos ah u hoos tagaan hay’adda fulinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda ka yahay,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in aysan meel uga bannaaneyn arintan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay inay kala caddaan doonto marka uu soo jawaabo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, isaga oo shaaciyey inay laba mid uun noqon doonto inuu u hoggaansamo shuruucda dalka ama inuu raaco Farmaajo.

“Meel Farmaajo ugu banaan ee uu ka soo geli karana ma jirto. Lkn waxaa lagu kala ogaan doonaa Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe inuu u hoggaansanyahay shuruucda dalka iyo in uu jeebka ugu jiro Farmaajo!” ayui markale sii raaciyey hadalkiisa.

Arrintan ayaa sii qarxisay xiisadda u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble oo markii horeba isku hayey arrimaha doorashada iyo sidoo kale ammaanka guud ee dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii