Maxay gobolka iyo dunida uga dhigan tahay sii-deynta Abiy Ahmed ee mucaaradka?

Ra’isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed ayaa jimcihii sii-daayey siyaasiyiin mucaarad ah sida Sebhat Nega, oo ahaa maskaxda iyo aasaasaha TPLF iyo walaashiis Kedusan Nega, xubnaha kale ee ururkaasi ah ee la sii daayey waxaa ugu muhiimsanaa Abay Woldu oo ahaa guddoomiyihii hore ee TPLF iyo madaxii gobolka Tigreyga iyo weliba Abadi Zemu oo xubin ka ahaa guddiga dhexe ee TPLF.

Waxaa kale oo dadka la siiyey ka mid ah hoggaamiyeyaasha Oromada sida Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba, labada nin waxaa lagu eedeeyey in ay sameeyeen qalalaaso ka dhan ah Amxaarada kadib dilkii Hachalu Hundessa ee June 2020.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii uu Adis Ababa yimid ergeyga Mareykanka ee geeska Afrika Jeffry Feltman, wada hadalna uu la galay madaxda Itoobiya.

Waxaa kale oo ay sii-deysmadan kusoo aadeysaa iyada oo todobaadkan wareysi uu CNN-ka siiyey hoggaamiyaha TPLF-ta Debretsion Gebremichael, uu ku sheegay in dagaalkan lagu soo afjarayo wada-hadal ayna dhankooda diyaar u yihiin, iyada oo si arrintaas loogu gogol-xaaro ay Tigeyga ka baxeen qeybo ka mid ah dhulka Cafarta iyo Amxaarada.

Haddaba, Tilaabadan maxay gobolka iyo Dunida uga dhigantahay ayaan hordhigay Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur isaga oo sheegay iney bilow u tahay bixitaanka Abiy Axmed iyo in galbeedka ay ka adkaadeen siyaasadda Shiinaha iyo Ruushka.

Prof. Xasan oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga oo ka hadlayey waxa ay Itoobiya uga dhigantahay arrinkan ayaa waxaa uu yiri “ Sii-deynta xubnaha mucaaradka, waa xoogaggii lala geli lahaa wada hadalka iyo heshiis waara oo la sii-daayey, waa bilowga bixitaanka Abiy Axmed, waana isaga  oo ku qancay in xoog ciidan aan xal ku jirin, ayna muhiim tahay heshiis siyaasi ah, hadda guddi Bad-baado ayaa la dhisi-doonaa, iyada oo la dooranayo ra’isul wasaare la isla ogolyahay “.

Dhinaca kale, mar aan weydiiyey, maxay uga dhigantahay “Geopolitics”-ka waxaa Prof. Xasan sheegayaa in la jabiyey Ruushka iyo Shiinaha isaga arrintaas ka dhahay “ Waxaa laga adkaaday madaxda gobolka ee aaminsaneyd xoog wax ku raadinta, waxaa guuleystay kuwa nadda iyo dib u heshiisiinta doonayey, marka arrimahaas laga hadlayana waxaa caddahay in Mareykanka oo nabaddoon ahaa uu ka guuleytay Ruushka iyo Shiinaha.

Inkasta oo la sii-daayey madaxdii Tigreyga iyo Amxaarada hadana lama oga sida ay wax noqon doonaan maalmaha soo socda iyo waxa ay tahay ujeedka dadkaasi loo daayey, laakin waxaa hubaal in arrinkaas oo qaboojin doono dagaallada iyo xasaraddii ka socotay Itoobiya  labadii sano ee ugu dambeysay, taas oo sabab u noqotay qax ilaa labo Milyan iyo dhimashada kumannaan kale, iyada oo abaar iyo dhibaatooyin kale ay sii jiraan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye