Laba madaxweyne goboleed oo ka fal-celiyey go’aanka R/W Rooble ee Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray go’aanka uu shalay qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble ee dib loogu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u bogaadiyey tallaabadii raali-gelinta aheyd ee galabta uu qaaday Rooble.

Ugu horeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo daqiiqado kadib raali gelintii Rooble la kulmay safiirka dowladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo ku amaanay dib u hagaajinta xiriirkii xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho galabta ku qaabilay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland oo war ka soo saaray go’aanka xukuumadda federaalka ayaa soo dhoweeyey tallaabada XFS ee “dib loogu saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.”

“Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka. Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Rooble ayaa qaatay go’aan dib loogu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo si weyn u xumaaday seddax sano ka hor, taasi oo la fahamsan yahay inuu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka soo gaarsiisay deeq gar-gaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo deeqdaas ku guddoomay garoonka Aadan Cadde ayaa meel fagaare ah dowladda Imaaraadka uga raali-galiyay tallaabadii bishii April ee sanadkii 2018-kii ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo ballan-qaaday in uu dib ugu wareejin doono lacagtaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii