Golaha Wadatashiga oo soo saaray 6 qodob iyo waqtiga cusub ee la dhameystirayo doorashada golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka, oo xalay ZOOM ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka, ayaa soo saaray 6 qodob oo ay ka mid tahay waqtiga cusub ee lasoo geba-gebeynayo doorashada oo ah 15-ka Maarso.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa 24-ka Febraayo, 2022 habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu heshiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Kulanka ayay Golaha Wadatashiga Qaranku uga hadleen ajandeyaal ay ka mid yihiin: Xaaladda doorashada, Muddeynta soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarrey iyo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.

Golaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aqalka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.

Golaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku aysan ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 2022. Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

Haddaba iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay qodobbada soo socda:

1- In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

3- Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

4- Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

5- Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.

6- Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhameystirka doorashada dalka.