Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa lagu hor-geeyey Miisaaniyadda dowlad-goboleedka Puntland ee Sanadka 2023, taasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Puntland.
Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex boqol todobaatan iyo lix malyan, lix boqol sagaashaan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan doolar) taasi oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad faah-faahsan oo ku aadan Miisaaniyadda, wuxuuna Golaha Baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan.
Sidoo kale waxa uu Wasiirka ka dalbaday Golaha Wakiillada in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee sanadka 2023 ee ah dhaqaalaha laga filayo mashruuca Biyoole, kaasi oo dhan $1,922,040.
Ugu dambayntiina waxay Mudanayaasha Golaha cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2023.
Mudanaayasha kulankaan soo xaadirey oo ahaa 42 Xildhibaan ayaa cod gacan-taag ah oggol ugu codeeyeen 41 mudane, halka diidmo ugu codeeyay 1 Mudane, mana jirin aamus, sidaas ayeyna ansax ku noqotay soo gudbintii Wasaaradda Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha waxaana ku wehliyanayey Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.