Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Xamza iyo safiirka cusub ee Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al-Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaarah.

Sidoo kale waxa kulanka labada masuul diirada lagu saaray dardar-gelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

Xamza oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay danjiraha cusub, ayaa sidoo kale u sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Imaaraadka Carabta si cad u diiday in la qaado cunaqabatayn ay dowladda federaalka u aragto inay caqabad ku tahay dagaalka lagula jiro argagixisada.

Golaha Ammaanka QM ayaa Khamiistii sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Zaki Nusseibeh ayaa sheegtay in meel-marinta qaraarka ay ka dhigan tahay in Golaha uu si aan leex-leexad laheyn u cambaareynayo dhaq-dhaqaayada argagixiso ee kooxda Al-Shabaab, halka taa caksigeed ay dowladda federaalka u aragto in dhab ahaantii inuu qaraarkan caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalal ay aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.