Madaale oo abaal-mariyey taageerayaasha XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku magacaabay saddax guddoomiye degmo, kuwaasoo dhamaantood ah dhallinyaro aad ugu taageeri jiray baraha bulshada madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha degmada Boondheere oo horay ay ugu fadhisay Marwo Seynab Yuusuf Wehliye ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar “Deeyoo” oo si weyn baraha bulshada looga yaqaan, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha Xasan Sheekh.

Deeyoo ayaa waxaa aad loogu xusuustaa inuu dagaal weyn ka wadi jiray baraha bulshada xiligii dowladdii Farmaajo iyo kacdoonkii la magac baxay Badbaado Qaran, isaga oo madaxweynaha ka difaaci jiray aflagaadada iyo weerarka CBB-da Farmaajo.

Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi oo laga dhigay Maxamed Sayid Cali, waxaana xilkaasi horay ugu fadhiyay Sugaal Cali Ayaanle. Halka Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax, waxaana xilkaasi laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.

Mas’uuliyiintaan cusub ee Madaale magacaabay ayaa dhamaantood ka mid ah dhallinyaradii sida weyn qeybta ugu qaatay dhaliilihii madaxdii hore iyo dowladdii hore, islamarkaana taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa magacaabista guddoomiyaha cusub ee Boondheere, Maxamed Deeyoo oo taageerayaal badan ku leh Facebook, kaasoo ku caan baxay dhaliilaha madaxweynihii hore, wuxuuna bartiisa Facebook saacado ka hor sawirka Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo geel guddoon siinaya ciidamadii Badbaado Qaran ee Farmaajo la dagaalamay, sawirkaasi oo uu ku muujinaayo in maanta qasriga dalka uu ka talinaayo nin shan sano ka hor jidadka laga xirtay, waa sida uu hadalka u dhigay, taasoo macnaheedu yahay in nin walba uu hadda guranaayo mirihii halgankiisa.