Ciidamada PUNTLAND iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, kaas oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Puntland oo weerar ku qaaday koox cabtoy ah.

Howlgalka ayaa waxaa xigay iska hor imaad kooban oo dhex-maray ciidamada ammaanka Puntland iyo ragga hubeysan oo la sheegay inay ka ganacsanayeen Qamriga.

Ciidamada ammaanka ee howlgalka sameeyey ayaa gacanta kusoo dhigay illaa saddex nin oo ka mid ah kooxda cabtoyda ah ee howlgalka lagu qaaday, kuwaas oo laba mid ah ay dhaawac yihiin, halka mid kalena isaga oo bad qaba gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale waxaa israsaaseynta dhex-martay labada dhinac ku dhaawacmay laba qof oo kale oo uu mid ka mid ah yahay askari, halka kan kalena uu yahay qof shacab ah.

Waxaa sidoo kale ciidamada ammaanka ay la wareegeen hubkii raggaasi iyo gaari ay ku wadeen Qamri, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Puntland.

Garoowe oo ah xarunta Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga.