Xog xiiso leh oo ku saabsan Koobka K/Cagta Adduunka ee maanta ka furmaya Qatar

Koobka Adduunka ee FIFA waa tartan kubadda cagta oo caalami ah waana mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu weyn adduunka. Xubnaha Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA ayaa afartii sanaba mar ku tartama horyaalka Koobka Adduunka. Horyaalkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee FIFA waxa la qabtay 1930kii, tartankaani ayaa dhaco afartii sannadoodba mar tan iyo markaas, marka laga reebo 1942 iyo 1946 dagaalkii labaad ee Adduunka awgeed.

FIFA World Cup ayaa ah dhacdo si weyn loogu tixgaliyo waana ciyaaraha loogu daawashada badan yahay caalamka oo idil iyadoo ay ugu wacan tahay tirooyinka daawashada rikoorka jabiyay oo ay ku jiraan in ka badan 3.5 bilyan oo daawadayaal qiyaastii kala bar dadka adduunka intii lagu jiray tartanka finalka 2018. Xulka qaranka France ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee ku guulaysta koobka aduunka 2018, kaas oo ka dhacay dalka Russia. Qatar ayaa loo qorsheeyay inay martigeliso Koobka Adduunka ee FIFA World Cup 2022  Noofambar 20 ilaa Deseembar 18, 2022, taasoo noqonaysa markii ugu horeeyay ee lagu qabto wadamada carabta, iyo koobkii labaad ee aduunka oo gabi ahaan lagu qabto Asia kadib tartankii 2002 ee South Korea iyo Japan.

Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waa kii 22-aad ee FIFA World Cup, wuxuu ka dhici doonaa Qatar, Koobkan ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay oo ay ka qeyb galaan 32 kooxood. Waxa laga dhigidoona 48 kooxood oo ka qayb galaya tartanka 2026 ee Maraykanka, Mexico, iyo Kanad. Waxa uu furmi doona habeen danbe saacada 7 fiidnimo, ciyaarta furitaanka ayaa dhexmari doonta Qatar iyo Ecuador garoonka Al Bayt Stadium, Waxa la ciyaari doona 64 kulan, waxaa uu socondoona 29 maalmood. Finalka ayaa la qaban doonaa 18ka Diseembar 2022, waana maalinta qaranka Qatar.

Tartanka 2026-ka waxaa si wada jir ah u martigelin doona Mexico, Canada, iyo Mareykanka, taasoo ka dhigaysa Mexico dalkii ugu horreeyay ee saddex jeer martigeliyay.

18 waddan oo kala duwan ayaa martigeliyay ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo Qatar ay noqon doonto waddankii 19aad ee tartanka 2022.

Dalalki martigeliyay Koobka Adduunka ee FIFA ilaa 2026

2026: Canada, United States (2nd time), Mexico (3rd time), 2022: Qatar, 2018: Russia, 2014: Brazil, 2010: South Africa, 2006: Germany (2nd time), 2002: Japan/South Korea, 1998: France (2nd time), 1994: United States, 1990: Italy (Markii labaad), 1986: Mexico, 1982: Spain, 1978: Argentina, 1974: West Germany, 1970: Mexico, 1966: England, 1962: Chile, 1958: Sweden, 1954: Switzerland, 1950: Brazil, 1946: — la joojiyay (WWII) —1942: — la joojiyay (WWII), 1938: France, 1934: Italy, 1930: Uruguay.

Waxa Qoray: Yusuf Sodal