Sawirro: Somalia oo markii u horreysay saxiixday sharci CAALAMI ah oo la xiriira…

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruse ayaa shalay qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Heshiiskaan ayaa waxa uu dhigaya ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan aagagga dagaalka, isaga oo mamnuucaya gebi ahaanba isticmaalka hubka kiimikada ee goobaha dagaalka.

Heshiiska ay Soomaaliya ku duugtay qalinka ayaa waxaa la dejiyay, kal horena lagu saxiixay shir ka dhacay magaalada Geneva oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay 4tii May ilaa 17 June 1925, asaga oo dhaqan-galay 8 February 1928kii.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida weyn looga adeegsado walxaha Qarxa.

Waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab oo dowladda ay dagaal kula jirto ay sanad walba boqolaal rayid ah iyo masuuliyiin dowladeeed ku disho waxyaabo loo adeegsaday qaraxyo.