Korneyl Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo lagu xiray Mareykanka

Springfield (Caasimada Online) – Dambi baarayaasha Mareykanka ayaa xiray sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo hadda ku nool magaalada Springfield ee gobolka Virginia.

Baaritaan ay sameysay Waaxda Amniga gudaha Mereykanka ee Homeland Security ayaa lagu sheegay in Colonel Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaan Tuke uu xadgudubyo ka dhan ah xuquuda aadanaha u gaystay shacab Soomaaliyeed, sanadihii 1980, kuwaas oo ay ku jiraan dilal sharciga ka baxsan, jirdil, arxandarro, iyo xabsiyeyn aan sharci aheyn.

Taleefishinka CNN ayaa warbixin uu sameeyey 2019 ku sheegay in Tuke uu ahaa darawal Uber.

Dhammaadkii sanadkan, xeer-beegti ku sugan Virginia ayaa Colonel Tuke ku heshay inuu jirdil u gaystan nin xilligaas ahaa xoolo dhaqato, waxayna dhibbanaha ku abaal-mariyeen $500,000 oo magdhow ah.

Colonel Tuke ayaa markan lagu soo oogay dacwad dambi. Dambi-baarayaasha ayaa sheegay in Khamiistii lagu xiray Springfield. 

Dambi-baarayaasha Homeland Security ayaa sheegay in Tuke uu Gaashaanle Sare ka ahaa Ciidamada Xoogga Dalka, uuna ahaa taliyahaa Guutada Shanaad ee waqooyi galbeed Soomaaliya, intii u dhaxeysay May 1987 illaa July 1988, xilligaas oo dalka uu haystay kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre. 

“Inkasta oo qabsashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin xanuunka la tuhunsan yahay inuu u geystay dhibanayaasha xadgudubyadiisa xuquuqada aadanaha, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqata ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ay nabad siin doonto dadkaas,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Derek Gordon, oo baaritaanada Homeland Security u qaabisaln agga Washington DC.

“Xafiiska Baaritaanada Homeland Security ee Washington DC (HSI) waxaa ka go’an ilaalinta muwaadiniinta sharciga u hoggaansan ee aagga Washington DC, halka aan sii wadeyno inaan raadinno kuwa damacsan inay ka faa’iideystaan ku xadgudubka kuwa kale.” 

Tan iyo 2003, HSI waxa ay sheegtay inay xirtay in ka badan 480 qof oo loo haysto xadgudubyo la xiriira xuquuqda aadanaha, waxayna heshay amaro masaafurin oo ka dhan ah, Mareykanka-na looga saaray, 1100 qof oo la ogyahay ama looga shakisan yahay inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.