Golaha Wakiilada Puntland oo ka hor-yimid matalaadda gobolka Banaadir, soona saaray 13 qodob (Aqriso)

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo saakay kulan deg deg ah ka yeeshay shirarkii iyo xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa soo saaray go’aano ay ku qaadayacaan xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Puntland waxay ku hanjabeen inay Puntland qaadayso go’aan ay ku sheegeen in lagu badbaadinaayo jiritaanka iyo masiirka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa 13 qodob oo uu kasoo saaray go’aankii guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Somalia, xeerkii lagu ansixiyay matelaada gobolka Banaadir ee 13 Kurs ku yeelanayo aqalka sare iyo xeerka qoondadada haweenka ayey ku tilmaameen mid sharci daro ah oo la qaadan karin oo dano shaqsiyayeed laga leeyahay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayey ugu baaqeen maadaama sharci ilaaliyaha dalka yahay inuusan saxiixin xeerarka baarlamaanka federaalka ansixiyay.

Waxay sidoo kale qodobada ay soo saareen ku bogaadiyeen 72 xildhibaan ee diiday xeerka metalaada gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee Puntland u aragto inaysan dan ugu jirin.

Qodobka13-aad ee ugu danbeeya ayay ku muujiyeen in iyadoo laga duulayo qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, in ay ku dhaqaaqayaan wax ay ku sheegeen tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland.

Halkaan hoose ka aqriso: