Askarigii sababay banaan-bixii Muqdisho ee lagu gubay sawirrada Farmaajo oo maxkamad lasoo taagay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta bilaabatay dhageysiga dacwadda kiiska Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay laba qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga Maanta ay dacwadiisa u fadhiisatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waqtigii Muqdisho lagu soo rogay bandowga sababo la xiriiro COVID19 wuxuu gurigiisa ku hor toogtay Allaha u naxariistee Xasan Cali Cadaawe, iyadoo isla xabadaasi dishay Madiino Cabdullaahi Cabdi.

Dilkaas ayaa sababay kacdoon ay sameeyeen shacabka Muqdisho oo lagu gubay sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna soo riday tabeelooyin ay ku dhegnaayeen.

Askarigaan ayaa waqtigaas wuxuu fulinayey amarka Dowladda Soomaaliya ee ahaa in Magaalada ay bandow noqoneyso Hal saac habeenimo iyadoo markii hore uu bandowga ahaa Laba Saac Habeenimo, balse wuxuu adeegsaday rasaasta nool oo mamnuuc ah in loo adeegsado dadka Shacabka ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga dilalkaas geystay lagu fuliyo ciqaab u qalanto falka uu geyustay oo ah khisaasta marxuumiintii uu dilay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto Dable Xasan Aadan Maxamed.

Dilalka uu dadkaas shacabka ahaa u geysatay askarigan waxa ay sababaeen dibadbaxyo waaweyn oo gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadkii dibad baxayey lagu qanciyey inay cadaalad heli doonaan gacantana lagu soo dhigay askarigii geystay falkaas.

Sidoo kale waxaa wixii markii ka dambeeyey fashilmay bandowgii Muqdisho saarnaa, waxaana dib usoo noqday isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ee jidadka Caasimadda.