Cabdullaahi Sheekh Xasan: Puntland waxay muujineysaa xaasidnimada iyo dagaalka ay ku hayso reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay ansixinta qoondada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo doodda iyo diidmada ay ka keeneen reer Puntland.

Guddoomiye Cabdulaahi Shiikh Xasan oo wareysi siiyey Telefishinka Dalsan TV ayaa ugu horeyn Dowladda ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey sidii ay uga soo shaqeysay ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir.

Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah inaysan aqbali doonin xaqsiinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka ay soo saartay Puntland uu yahay mid muujinayo xaasidnimada ay u qabaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa soo baxayey warar lagu diidayo xaqsiinta Gobolka Banaadir, haba u badnaadaan Maamulka Puntland oo diiday, taas waxay muujineysaa xaasidnimada ay u qabaan shacabka Muqdisho, Dadka Muqdisho qabiil gaar maahan, waa lagu kala badnaan karaa balse waa magaalo la wada degan yahay, haddii 13 xubnood loo ansixiyeyna taas kama dhigno in reer gaar ah la siiyey,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu dagaal ku hayo dadka Muqdisho “Runtii waxaan  aragnaa in Maamulka Puntland uu dagaal kula jiro Shacabka Muqdisho, taasna waa mid aan aad uga xunahay”.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ka yimaado Puntland ay xilal ka qaban jireen Muqdisho sida inay noqdaan madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal, wuxuuna xusay in dadka Muqdisho ay si fiican ula shaqeyn jireen si shuruud la’aan ah.

Ugu dambeytii Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inaysan madaxdooda ku daba kicin qaladkaan ay sameenayaan.

Halkaan hoose ka daawo wareysigiisa oo dhameystiran