Dhawaaqa GAROOWE iyo dhegaysi la’aanta XAMAR

Puntland oo tan iyo markii dhidibada loo taagay door weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya, marar badanna loo arkayey mashiinka laga dhaqaajiyo ama laga hago siyaasadda Soomaalida ayaa hadda u muuqata in doorkeedii meesha ka sii baxayo.

Puntland oo isugu yeedha ” Hooyada Federaalka” ayaa xilligan waxaa soo food saaray jaah-wareer siyaasadeed oo muujiyey in Puntland ay ku fashilantay sida looga gudbayo ama ugu yaraan loo wajahayo.

Madaxweyne Deni oo markii uu xukunka qabtay isku muujiyey nin horseed u ah siyaasad furfuran, judhiibana qaaday tallaabooyin yididiilo leh, oo caleemo saarkiisiina ku kulmiyey madaxda Soomaalida mucaarad iyo muxaafadba ayaa markii dambe la soo baxay weji kale oo keliya ku dhisan in la mucaarado Dawladda Federaalka ah ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradnimada Puntland waa mid aan ku dhisnayn mabaadi’ iyo aragtiyo la garan karo, marka laga reebo dagaalka, kursi doonka ah ee ay weligeed Garoowe ku soo jirtay. Mucaaradnimada Puntland kuma salaysna danta Puntland, doonista shacabka reer Puntland, umana danaynasyo qarannimada Soomaaliyeed iyo Dawladnimadooda.

Puntland wax ay weyday taageerada maamul goboleedyada kale ee ay muddo hoggaanka u haysay, marka laga reebo Jubbalaan oo iyana Axmed Madoobe oo kursi ilaashanayaa madaxa kaga taagan yahay. Waxa ay Puntland u muuqatay maamul hor taagan oo caqabad ku ah in Soomaaliya hesho Dawlad xoog leh oo bulshadeeda u adeegta.

Waxaa sii kala furfurmaya goboladii dhistay Puntland 1998dii. Sool iyo Sanaag waxa lagu tilmaamay dhul lagu muran san yahay, Gobolka Gardafuu waxaa qabsaday ciidamo taabacsan ama taageersan Dawladda Federaalka ah, Gaalkacayana Madaxweynuhu wuxuu ku tegay diyaarad iyada oo uu safar dhulka ah ku tegi waayey sababo amaan awgeed. Waxa magaalada Boosaaso xoog lagu baajiyey banaan baxyo lagu taageerayey Dawlada dhexe , iyadoo tikniko iyo ciidama la soo dhoobay jidadka waaweyn ee magaalada.

Dhacdooyinkaa oo dhami waxay tilmaamayaan siyaasad xumida iyo taag darada Puntland ku habsatay. Waxaa se nasiib darro ah in iyada oo intaa oo dhami jirto in haddana lagu socdo jidkii guuldarada keenay.

Puntland waxaa ka soo baxa bayaano is daba jooga oo goodis iyo hanjabaado isugu jira oo loo dirayo Xamar iyo Dawlada Federaalka ah, balse baaqyadaa Muqdisho lagama dhegaysto, maxaa yeelay halkii Puntland joogtay shalay, maanta ma joogto.

Waxa Puntland qiimo riday waa siyaasadda gabowday ee labaatankii sano ee la soo dhaafay Puntland lagu soo hagayey, waana dhab haddii maanta la yidhaahdo ” Puntlandeey, waa la dhaafay intii aad tiqiinay”.

Siciid Cabdi Xasan – Cirmadow – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: siciidcabdixasan77@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid