Golaha wakiilada S/Land oo soo saaray go’aano cusub oo la xiriira Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta soo saaray go’aan cusub oo ku aadan ka hortaga caabuqa faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.

Go’aankan oo daba socda midkii ay shalay soo saareen Guddiga heer qaran ee uu Madaxweynuhu u saaray ka hortaga fayruska xawliga ku faafaya ee Corona.

Golaha ayaa go’aamiyey in muddo ku siman Afar todobaad uu Golahu gali doono fasax, isla markaana gebi ahaanba la baajiyey Kulamo qorsheysnaa todobaadka soo socda bilowgiisa, sida lagu sheegay Waraaqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL.

Sidoo kale waxa waraaqdaasi lagu sheegay in loo baahan yahay in dhamaan Xildhibaanada goluhu ay ka qeyb qaataan dadaalka ay xukuumadu ugu jirto ka hortaga fayruska Corona, oo dunida faro ba’an ku haya.

Fasaxa golaha wakiilada Somaliland ayaa bilaabmi doono maalinta Sabtida oo ku beegan 21-ka bishan March.

Hoos ka aqriso warqada Guddoonka