DF oo xildhibaannimada u diiday Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna iyo Xasan Eelaay

Baydhaba (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa is hortaagtay dadaallo ay baarlamanka cusub ee Koonfur Galbeed uga mid noqon lahaayeen guddoomiyaha baarlamanka iminka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna iyo Wasiirka Dekdaha maamulkaasi Xasan Xuseen Eelaay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Muqdisho lagu celiyay guddoomiyaha baarlamaanka oo damacsnaaa inuu ka mid noqdo baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed islamarkaana si cad loogu diiday. Sidoo kale wasiir Eelaay ayaa laga hor istaagay damacan oo kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa shalay ka baxay Muqdisho, waxaana markii uu gaaray Baydhabo loo sheegay in uusan warbaahinta la hadli karin isaga iyo wasiirkaba.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay u yeeray weriyayaasha Baydhabo waxa uuna si cad ugu sheegay in aysan baahin karin wax cabasha ah oo ku saabsan soo xulista baarlamaanka, markii uu amarkaan bixinayay waxaa barbar fadhiyay Guddoomiyaha iyo wasiirka loo diiday in ay Xildhibaanada kamid noqdaan.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta xukuumadda Soomaaliya ay tallaabadan uga qaaday labadan xubnood, una amartay madaxweyne Lafta-gareen inuu hor-istaago inay xildhibaano noqdaan.

Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna iyo Xasan Xuseen Eelaay waxay hormuud u ahaayeen in meesha uu ka baxo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo xiro musharax Madaxweyne Sheekh Muhtaar Roobow oo sanad ka badan ku jira xabsi ku yaala Muqdisho.

Labadaan masuul ayaa wajahaya cadaadis iyo cabsi gelin waxaana loo sheegay in dhibaatooyin ay la kulmi doonaan haddii ay hadlaan. Sidoo kale wasiir Eelaay ayaa la filayaa in dhawaan xilka laga qaado sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah.