DF oo si aan shaacsaneyn go’aan uga gaartay qaadkii laga soo dhoofinayey Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) ―  Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si aan shaacsaneyn oo dad-ban go’aan uga qaadatay qaadkii dalka soo gali jirey ee ka imaanayey dalka Kenya, isla markaana u joojisay.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa shalay sheegay go’aan ka soo baxay kulan deg-deg ah oo uu Ra’iisal wasaare Kheyre iskugu yeeray, kaasi oo lagaga hortagayo fayruska Corona.

Wasiirka ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojiyey Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya iman jiray, marka la gaaro 18-bisha Maarso – Lix saac habeenimo.

Sidoo kale waxa uu xusay in duulimaadyada la joojiyey ay yihiin Xamuul iyo Rakaab labadoodaba, midaasi oo ka dhigeysa in Dowladdu ay go’aan dad-badan ka gaartay Qaadkii ay Kenya u soo dhoofin jirtay Soomaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa waxa kale ee uu ka dhawaajiyey in Dowladdu ay fasixi doonto oo kaliya duulimaadyada xagga bini-aadanimada iyo kuwa gar-gaarka oo keliya.

Go’aanka lagu joojiyey Duulimaadyadaasi caalamiga ah ayaa ku soo beegmay xili isla shalay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho laga helay Kiis la xiriira fayruska sida xawliga ah ugu faafaya dunida ee Corona.

Guddiga arrimaha bulshada Golaha shacabka ayaa Dowladda ka dalbaday in la joojiyo Qaadka Soomaaliya looga soo dhoofiyo dalka Kenya, oo uu ka dilaacay caabuqa Corona, midaasi oo u muuqata in si shaacsaneyn looga go’aan qaatay.