Sawirro: Wasiirada cusub ee Puntland oo codka kalsoonida loo qaaday

Garoowe (Caasimada Online) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wakiilada maamulka Puntland ee Garoowe, waxaa ku sugnaa dhammaan inta badan xildhibaannada baarlamaanka maamulkaas iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada cusub.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominaayay fadhigga maanta ayaa gabagadii ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna tilmaamay in dhammaan xubnaha baarlamaanka ee kulanka joogay in ay codka kalsoonida siiyeen wasiirada oo aaney jirin.

Intaas kaddib waxaa kula ka hadlay madaxweyne, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u horreyn u mahadceliyay xildhibaannada barlamanka sida sharrafta leh ee ay u ansixiyeen xubnaha wasiirada xukuumadiisa.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay wax ka qabanayso arrimaha ammaanka, horumarka, midaynta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirrada inay hufnaan ugu adeegaan dadkooda, isagoona u mahadceliyey golaha wakiillada Puntaland.

Si kastaba, xubnaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo ka kooban 47 xubnood ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii horre Janaayo ee sanadkan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com