RW Cabdiweli : “Wixii xaley iyo habeen horre dhacay waxaan u baahanahay in jawaab nalaga siiyo, haddii kale….”

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayay ammaanka gaar ahaan qaraxyadii iyo madaafiicada habeenkii labaad magaalada ruxay.

Kulanka waxaa ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha, wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga, dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada.

Waxaa si weyn looga looga hadlay wax yaabaha keenay magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku heyso dowladda in madaafiic iyo qaraxyo dhowr saac socday laga maqlo.

Wasiirka amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababay in magaalada labo habeen oo isku xiga ay ka dhacaan qaraxyo.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aan la isaga hari doonin wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in dhammaan xubnaha maanta joogay kulanka in looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiyaan wixii ka dhacay Muqdisho.

“Wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa mas’uuliyad ay ka saaran tahayxukuumadda waana in ay kula xisabtanto xubnaha hoos yimaada, wixi xaley dhacay iyo habeen horre waxaan u baahanahay jawaab in nalaga siiyo jawaab cad, waxaan u maleenayaa in loo dhan yahay fadhiggan, oo aysan jirin cid wax laga weydiinaayo” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wajigiisa laga dheehan karay in uu aad uga carooday qaraxyada iyo madaafiicda magaalada ka dhacay labadii habeen ee la soo dhaafay oo aaney cid si rasmi ah loo soo qabtay marka laga reebo dad loo tuhmay oo howgallo lagu soo qabqabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com