Madaxweyne Xasan Sh oo BAYDHABA ku wajahan iyo qorshaha ka dambeeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomalia iyo xubno ay ka mid yihiin Wakiilka UN-ka AU-da iyo Midowga Yurub u jooga Somalia ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda gaaraan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Socdaalka Xasan Sh. Maxamuud iyo Xubnahan ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisado ka dhashay rabshado ka dhashay isku-day lagu joojin lahaa Shir Maamul lagu sameynayo oo halkaas ka socda.

Baydhabo ayaa waxaa la geeyay ciidamo Nabadsugid iyo AMISOM isugu jira oo loogu talogalay inay sugaan amaanka Madaxweynaha iyo Xubnahan kale ee lagu wado inay degmadaas gaaraan.

Inkastoo madaxweynaha Somalia uusan weli ka hadlin booqashadiisan oo ah tii labaad oo uu ku tagayo Baydhabo tan iyo markii xilka loo doortay ayaa ku soo beegmaysa xili shirar iska soo horjeeda ay ka socdaan Baydhabo.

Shirarkan ayaa waxaa mid ka mid ah lagu doonayaa in lagu dhiso maamul ay yeeshaan 6-gobol oo Koonfurta iyo Galbeedka Somalia ku yaala halka midka kalena lagu doonayo in lagu dhiso maamul kulminaya 3-gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xukuumada Somalia ayaa qoraal ay dhawaan soo saartay ku sheegtay inaan la ogolaan karin shirar lagu dhisayo maamulo ka horimaanaya dastuurka u dagsan dalka iyo habka federaalka ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray AMISOM ay is-hortaag ku sameeyay shirarka ka socda Baydhabo, taas oo keentay inay dadweynuhu dhigaan dibadbaxyo rabshado wata.

Mas’uuliyiinta hogaaminaysa shirka Maamul u sameynta Gobolada 6-da ah ee Baydhabo ka socda ayaa sheegay in arintaas aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shirkooda oo ay sii wadanayaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo xubnaha kale ay la hadli doonaan ergooyinka shirarku uga socdaan Baydhabo si ay isugu dayaan inay ka dhaadhiciyaan in hal shir oo ay dowladu ogoshaya la isugu yimaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdsiho

Caasimada@live.com