Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood dhaliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumadiisa Dan-Qaran ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumada ay ansixiyeen mudada afarta bilood ah ayaa waxay kala yihiin; 1. Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, 2. Hindise-sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, 3. Hindise-sharciyeedka aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, 4. Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, 5. Hindise-sharciyeedka nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa iyo 6. Hindise-sharciyeedka dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya.

7. Hindise-sharciyeedka hey’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, 8. Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, 9. Hindise-sharciyeedka xuquuqda maalgashatada iyo maalgashiga, 10. Hindise-sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, 11. Hindise-sharciyeedka socdaalka, 12. Hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed, 13. Hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka isbeddelka cimillada iyo 14. Hindise sharciyeedka dhowrista xogta.

Shuruucda ay afarta bilood ku meel-mariyeen golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ah hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasi oo dhaliyay buuq badan.

Sharcigan oo la geeyay golaha shacabka ayaa waxaa lagu meel-mariyay hab sharci darro ah, ayada oo aan loo dhameystirin hab raaci golaha ee shuruucda, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka golaha shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay bishii hore.

Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

Si kastaba, xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.