R/wasaare Xamza oo sheegay laba faa’iido oo ay haystaan ciidamada dagaalka ku jira

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ay marwalba qabaan laba faa’iido.

Xamza ayaa sheegay haddii ay ciidamada dalka dhaafiyaan Al-Shabaab ay tahay guulo taariikhi ah oo waqti badan lagu noolaan doonaan, haddii ay dhintaan iyaga oo difaacaya dalka, diinta iyo dadka ay yihiin shuhado.

“Mar haddii ay Khawaarij yihiin (Shabaab) waxaa idinka (Ciidamada) idin sugeysa laba mid uun, waa guul ama waa shahaado. Idinka waxaa sugeysaan in aad guuleysataan oo dalka xoreysaan oo Khawaarijta ka adkaatan ama in aad shahiidaan sida ay u shahiideen walaaladiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Waa laba arrimood oo kala dhigan, ama waa ina aad Jano tagto ama in aad guuleysato oo ka adkaato adiga oo ajarkii xambaarsan, sow labadu ma fiican. Laakiin iyagu maxay sugayaan in Ilaahay cadaab idinku dhufto oo ku Aakhiro iyo ku Adduun, ama gacanteena Alle idinku cadaab oo anagu idin dilno.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, isaga oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin xoreynta dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.